Liiska Cunaqabateynta Maaliyadeed
13ka October, 2026 Muqdisho – Soomaaliya.
Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada isaga oo fulinaaya waajibaadkiisa sharci, ayaa Liiska Qaran ee Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman ku daray shakhsiyaad lagu asteeyey inay ku lug leeyihiin maalgelinta iyo taageeridda ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Guddiga waxaa ka go’an xoojinta dadaallada lagu ciribtiraayo maalgelinta argagixisada, laguna adkaynaayo hirgelinta cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida dalka